Arsenal Oo Warbixin Ka Soo Saartay Mustaqbalka Arsene Wenger & Walaaca Ay Qabaan Jamaahiirta Gunners

  Friday March 10, 2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
SLNTV:Arsenal Oo Warbixin Ka Soo Saartay Mustaqbalka Arsene Wenger & Walaaca Ay Qabaan Jamaahiirta Gunners

Gudoomiyaha Arsenal Sir Chips Keswick ayaa xaqiijiyay in go’aan wadajir ahin laga gaari doono mustaqbalka Arsene Wenger.

Tababaraha Faransiiska ayaa weli cadaadis ku hoos jira ka dib markii ay mar kale ku hareen wareega 16ka Champions League.

Arsenal ayaa waxaa 5-1 ku xasuuqday kooxda Bayern Munich habeenkii Talaadada, waxaana looga badiyay oo lagu reebay natiijo wadareed gaareysa 10-2.

Ka hor kulankaas, taageerayaasha Arsenal ayaa qabtay banaanbax looga soo horjeedo Wenger iyagoo ku baaqayay inuu shaqada isaga tago.

Wenger ayaa qandaraaskiisa uu dhacayaa xagaagan, welina ma uusan go’aansanin haddii uu sii joogayo.

Warbixin rasmi ah uu soo saaray gudoomiyaha kooxda oo uu kaga hadlayay mustaqbalka Wenger waxa uu Keswick yiri:

“Waan ixtiraameynaa in taageerayaasha ay xaq u leeyihiin fekradahooda shaqsiyadeed laakiin waxaan mar walba kooxdaan weyn ku socod siinaa anagoo qalbiga ku heyna danaha fog ee kooxda.

“Arsène waxa uu qandaraas kula jiraa kooxda ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedkan. Go’aan walba oo la gaarayo waxaa qaadanaya anagoo wadajirna, waxaana idiin sheegi doonaa waqtiga saxda iyo goobta ku haboon.”

Fekerka ka danbeeya warbixinta ay Arsenal soo saartay ayaa ah inay taageerayaasha u xaqiijiyaan inay ka warqabaan walaacooda.

Source:Laacib

SHAQAALAHA
featured
 
 
FIKRADO