Koobka Qaramada Afrika 2013 Oo Si Rasmi Ah Uga Furmay Dalka South Afrika.

  Sunday January 20, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Koobka Qaramada Afrika 2013 ayaa ka furmay dalka South Afrika, iyadoo 10 xul oo ka mid ah 16ka xul ee ka qeybgalaya ay yihiin xulal hore ugu soo guuleystay Africa Cup of Nations. Xulka martigelinaya ee South Afrika ayaa 7da maqribnimo xilliga Afrikada bari waxa ay la ciyaari doontaa kulanka ugu horeeya xulka Cape Verde Islands ka hor inta aysan Angola iyo Morocco iyagana geesaha isgelin 10ka habeenimo xilliga Afrikada Bari, iyadoo afartaan kooxood ay kuwada jiraan Group A.

Berrito ayaa iyadana la ciyaari doonaan kulamada Group B, waxaana maanta la filayaa in South Afrika oo martigelisay koobkii aduunka ee 2010 inay dhigto xaflad furitaan u ah koobka Qaramada Afrika.

Koobka Qaramada Afrika waa kii 29aad ee noociisa ee la qabto, waxaana sannadkan 2013 uu socon doonaa laga bilaabo maanta oo ah 19ka Janaato ilaa 10ka Febraayo.

Libya ayaa markii hore lagu waday inay martigeliso koobka sannadkan, laakiin madaama dalkooda dagaalo ahli ah ka dhacay waxa ay kala bedesheen South Afrika oo martigelin laheyd koobkaan 2017, halka Libya ay haatan martigelin doonto 2017.

Kulamada Furitaanka Koobka Qaramada Afrika:



GROUP A: South Africa v Cape Verde, Angola v Morocco (Sabti)

GROUP B: Ghana v DR Congo, Mali v Niger (Axad)

GROUP C: Zambia v Ethiopia, Nigeria v Burkina Faso (Isniin)

GROUP D: Ivory Coast v Togo, Tunisia v Algeria (Talaado)
SHAQAALAHA
featured
 
 
FIKRADO