Garry Neville Oo Amaan Huwiyay Kooxdiisi Hore Ee Man United Iyo Macalinkoodaba

  Monday April 13, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
SLNTV-Ninka Khabiirka ku ah Ciyaaraha ee tv-ga skysport Garry Neville ayaa amaanay kooxdiisa hore kadib marki ay guul ka keeneen kooxda ay dariska yihiin ee Manchester City waxaanu sheegay in hada wixii ka danbeeya ay kooxdiisii hore kaliya horumar sameyn doonto.

Waxa uu ciyaarta ka dib la hadlay barnaamijka Super Sunday 00 lugu falaaqeynayay ciyaarta waxaanu yidh " Waxa aan filayaa in xili ciyaareedka danbe uu Van Gaal eegi doono kulamadi ay dhibcaha qasaariyeen waanay ka fikiri doonaan waayo, qaab ciyaareedkaan fiican waxa ay la soo baxeen haatan waanay guuleysan doonaan kulamadaas xili ciyaareedka danbe “

“Waa markii ugu horeysay ee ay Van Gaal, Juan Mata iyo Fellaini ay arkaan garoon sidan ah, maanta ayey arkeen Old Trafford ka saxda ah “

” Waa wax ay Manchester United abuuri karto taasina waxa ay iyaga siineysaa kalsooni fiican wey dhacdaa mar waliba marka aad kulan guuleysataa”

Afar kulan oo Man/United ugu danbeyay ayaa ahaa kuwii ugu fiicnaa xili ciyaareedkan iyago ku bilowday qaab ciyaareedkii ugu xumaa abid ee ay ku bilowdaan Premier league waxayna haatan ka sareeyaan afar dhibccod kooxdi u tartameysay difaacashada horiyaalka ee Manchester City

SHAQAALAHA
featured
 
 
FIKRADO