Juventus Oo Dhibaato Daafac Ay Soo Wajahday Xilli Uu Ka Dhaawacmay Giorgio Chiellini.

  Thursday December 20, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
SLNTV-Giorgio Chiellini ayaa berrito oo jimce ah ogaan doona hadii dhaawac ku soo gaaray tababarka ay ku qasbi doonto inuu garoomada ka maqnaado muddo seddex bilood ah iyo in kale.

Giorgio Chiellini ayaa berrito oo jimce ah ogaan doona hadii dhaawac ku soo gaaray tababarka ay ku qasbi doonto inuu garoomada ka maqnaado muddo seddex bilood ah iyo hadii kale.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Talyaaniga ayaa seegi kara labada lug ee wareega 16ka Champions League ee bisha Febraayo iyo sidoo kale kulamo dhowr ah oo Serie A ah, hadii dhaawac uu noqdo sida laga cabsi qabo.

Arintaan ayaa ugu soo beegmeysa xilli xun kooxda heysata horyaalka Serie A, kuwaasoo dhawaan iska fasaxay daafaca reer Brazil Lucio.

Chiellini ayaa lagu qiimeeyaa awoodiisa hogaamineed, iyadoo 28 jirkaan uu kabtan ku xigeen u yahay Gigi Buffon kooxda iyo xulka qarankaba.

SHAQAALAHA
featured
 
 
FIKRADO