Goal.com: Man City Oo Akoonkeeda U Jabin Doonta Cristiano Ronaldo Xagaaga Soo Socda.

  Saturday March 31, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Manchester City ayaa diyaar la ah inay lacag xoogan ku dalbato xagaaga xiddiga kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo, sida ay ogaatay shabakada Goal.com

Kooxda ka dhisan horyaalka Ingariiska ayaa sida ay ogaatay shabakada Goal.com waxa ay diyaar la yihiin inay bixiyaan lacagtii rikoorka aheyd ee 80ka milyan ginni markii Real Madrid ay ka soo iibsaneysay Ronaldo Manchester United 2009kii, waxaana sidoo kale ay doonayaan inay mushahar ahaan u siiyaan inta u dhaxeysa 400 kun ilaa 500 kun ginni isbuucii.

Ilo ay soo xiganeyso Goal.com ayaa u sheegay inuu jiro xiriir u dhaxeeya rag u kala dabqaadaya labada dhinac, waana qaabkii ay Manchester City ku dooneysay Kaka xilligii uu Milan joogay.

Wakiilka Ronaldo Jorge Mendes ayaa lagu soo waramayaa inuu si aad ah ugu dhawaanayay madaxda City sannadkii la soo dhaafay.

Waxaa la fahamsan yahay in kooxda Abu Dhabi laga leeyahay inay xiiseyneysay Ronaldo xagaagii hore, lakiin jawaabtii ay ciyaaryahanka ka heleen inay aheyd mid aysan jecleysan.

Milkiilaha City Sheikh Mansour ayaa si aad ah u jecel ciyaaryahan Ronaldo, sidoo kalena waxa uu ixtiraam weyn u hayaa kooxda Real Madrid.

SHAQAALAHA
featured
 
 
FIKRADO